Deeq A. Posted October 17, 2021 5 qof ayaa ku dhintay tirro kalena way ku dhaawacmeen shil baabuur oo ka dhacay deegaanka Maqaaxida-inanta ee duleedka galbeed ee magaalada Hargaysa. Shilka ayaa ka dhashay kadib markii gaadhi Nooha ah oo dad sida iyo baabuur Dhayne ahi isku dhaceen, sida uu warbaahinta u sheegay sarkaal katirsan Ciidanka Booliiska Somaliland oo ku sugan Isbitaalka Guud ee Hargaysa oo la dhigay maydadka dadka dhintay, isla markaana, lagula tacaalayo dhaawacyada. “Waxa shil aad iyo aad u xanuun badani ka dhacay Maqaaxida-inanta, ilaa hada 5 qof ayay dhimashadu maraysa 3 dumar ah, ilmo-yar iyo ninkii Noohada waday ayaa dhintay” ayuu sarkaalku warbaahinta u sheegay. Ehelada dadka dhibaatadu soo gaadhay ayaa ku soo xoomay Isbitaalka Wayn ee Hargaysa, oo la dhigay maydadka dadka shilka ku dhintay isla markaana, lagu dabiibayo dadka dhaawacmay. Hol Qaran News Share this post Link to post Share on other sites