Sign in to follow this  
Deeq A.

In ka badan 465,000 carruur ah oo nafaqa-daro ku hayso waqooyiga Kenya

Recommended Posts

Deeq A.   

Gobollada Waqootiga Kenya waxaa laga soo sheegaya abaar aad u daran, taas oo baabi’isay xoolihii, isla markaana sababatay biyo la’aan daran, waxaana qeylo-dhaan ka diray xoolaleyda iyo hey’adaha samafalka.

In ka badan 465,000 oo carruur ah oo ka yar shan sano jir iyo in ka badan 93,000 oo haween uur leh ama naas -nuujinaya ayaa nafaqo-darro ku heysaa gobolka waqooyi ee Kenya, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.

Xoolaleyda ayaa biyaha ugu safra meel loo socdo hal maalin, halka hoos u dhac weyni uu ku yimid qiimaha la kala siisto xoolaha macluul darteed, iyada oo dhinaca kalena qiimaha maciishadda ay sare u kacday.

Degmada Marsabit qiimaha cuntada ayaa kor u kacay, waxaana maciishaddu ay ka sarreeysaa celcelis ahaan 16% sida ay muujineyso xogta laga helay Maamulka Maareynta Abaaraha Qaranka (NDMA).

PUNTLAND POST

The post In ka badan 465,000 carruur ah oo nafaqa-daro ku hayso waqooyiga Kenya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this