Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Farmaajo oo Madaxtooyada ku qaabilay qaar kamid ah Ubadka Halgamaa Maxamed Cumar Saalixi

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay qaar ka mid ah ubadka Marxuum Maxamed Cumar Saalixi oo laf dhabar u ahaa guushii laga gaarnay kiiskii dacwadda baddeenna.

Faysal Maxamed Cumar Saalixi, Faadumo Maxamed Cumar Saalixi iyo Ismaaciil Maxamed Cumar Saalixi ayaa Madaxweynaha uga mahadceliyey maamuska uu u sameeyey, iyaga oo xusay ahmiyadda ay u leedahay guusha taariikhiga ah ee aynu ka gaarnay kiiska Dacwadda Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa xusay in halyey Maxamed Cumar Saalixi, uu ku suntanyahay Baal dahab ah wadaniyad, dal jacayl iyo ilaalinta hantida Qaranka, waxa uuna tilmaamay doorkii uu ka soo qaatay dowladnimada iyo horumarinta dalka.

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Farmaajo oo Madaxtooyada ku qaabilay qaar kamid ah Ubadka Halgamaa Maxamed Cumar Saalixi appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this