Sign in to follow this  
Deeq A.

Muhaajiriinta ku sugan Liibiya oo wajahaya xaalad nololeed oo adag

Recommended Posts

Deeq A.   

Boqolaal muhaajiriin ah oo ku jira xabsiga Ain Zara ee dalka Liibiya ayaa ku nool xaalado adag, kaddib markii dad kor u dhaafaya 1,000 qof oo ay carruur badani ku jirto lagu xiray halkaas.

Ilaalada xabsiga Ain Zara iyo masuuliyiinta Libya ayaa sheegaya inay muhaajiriinta siiyaan cunto, hoy iyo daryeel caafimaad, laakiin muhaajiriinta ayaa sheegay in qaar badan oo ka mid ah aysan heysan daryeel, welina ay aad u baqayaan.

Labadii toddobaad ee la soo dhaafay, mas’uuliyiinta magaalada Tripoli ayaa xiray kumanaan muhaajiriin ah, waxaana howlgalkan ka dhashay dhimashada dhowr tahriibeyaal ah.

PUNTLAND POST

The post Muhaajiriinta ku sugan Liibiya oo wajahaya xaalad nololeed oo adag appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this