Sign in to follow this  
Deeq A.

Xukunkii Maxkamadda Cadaaladda (ICJ) Muxuu Ka Bedelay Dherekii Xeebta Soomaaliya Ahaa 3,333 KM Labajibaaran!

Recommended Posts

Deeq A.   

Xukunkii Maxkamadda Cadaaladda (ICJ) Muxuu Ka Bedelay Dherekii Xeebta Soomaaliya Ahaa 3,333 KM Labajibaaran!

Talaadadii Lasoo Dhaafay Bisha Oktoobar 12,2021, Waxay Maxkamadda ICJ, Ku Dhawaaqday Xukunkii Muranka Badda Ee U Dhaxeeyey Soomaaliya Iyo Kenya Oo Masaaxaddiisu Ahayd 41 nautical miles Qiyaasta Cabirka Badaha Oo La Mid Ah Qiyaasta Berriga 75.923 Kilometres Labajibaaran.

Taasoo Soomaaliya Ku Guulaysatay Looguna Xukumay Caddaymihii Ay Hor Geysey Maxkamadda ICJ,

Masaaxaddii Laysku Haystay Soomaaliya Iyo Kenya Oo Salka Ku Haysay Qalfoofka Badda(Continental Shelf) Laynka Toosan 200 Ilaa 300 Nautical Miles, Aag Dhaqaalaha Gaarka Loo Leeyahay (EEZ) Ka Dib Meelaha Lagu Tuhmayey Petroolka Iyo Gaaska Iyadoo Dhererka Xeebta Soomaaliya Aan Waxba Laga Jarin, Soomaaliya Waxay Heshay 75% Oo Ah 31 nautical miles Qiyaasta Cabirka Badaha Oo U Dhiganta 57.412 Kilometres Qiyaasta Berriga, Kenyana Ay Heshay 25% Oo Ah 10 nautical miles Qiyaasta Cabirka Badaha Oo U Dhiganta 18.52 Kilometres Qiyaasta Berriga,

Xukunkaa ICJ, Waxaa Ku Caddaatay In Kalluumaysatada Kenyanka Ah Weliba Reer Laamo Ayan Ka Kallumaysan Karin Madhiqada Loogu Yeero Aagga Dhaqaalaha Gaarka Loo Leeyahay (Exclusive Economic Zoon – EEZ) Ea Asal Ahaanba Soomaaliya Leedahay!

Soomaaliya Waxay Ahayd Xeebta Labaad Ee Ugu Dheer Afrika Oo Dherekeedu Ahaa 3,333 Kilometres!

Kolkaa Maadaama Xukun Dhacay Haddaba Dhererkii Xeebta Soomaaliya Maxaa Iska Bedelay?

Inta Aanan Ka Jawaabin Dhererka Xeebta Soomaaliya, Waa Inaan Ogaanaa

Waxa Afka Qalaadka Lagu Yiraahdo:

1. Continental Shelf, Waa Marka Laga Yimaado from 200 to 350 nautical miles (Qalfoofka Badda)

3. Exclusive economic Zoono(EEZ) – Aag Dhaqaale Gaar Ah

Maxkamadda ICJ, Xukunka Waxay Ku Salaysay Cirifka Xuduudka Berriga Ee Soomaaliya Leedahay Amaba Sheegatay 100%

Lkn Xariiqda Toosan Ee EEZ( Aagga Dhaqaalaha Gaarka U Leedahay Soomaaliya 200 Ilaa 350 Nautical Miles Ka Dib Ayaa Xariiqdii Loo Yara Qoloociyey Dhinaca Woqooyi Bari Ee Soomaaliya Halkaa Ayey Kenya Ka Heshay 10 Nautical Miles Qiyaasta Cabirka Badaha, Waana Meelaha Ugu Muhiimsan Ee Laga Heli Karo Kheyraadka Petrolka/Gaska IWM, Maxkamaddana Waxay Eegtay Daruufo Jira Iyo Kenya Inayan Bad La,aan Noqon Iyo In Labada Dalba Sidaa Ay Kuwada Qanciso Maadaama Kenya Ay Haysatay Dukumenti Heshiis Ay La Gashay DF Ku Meel Gaarka Ahayd Taasoo Ay ICJ, Sheegtay Inayan Aqoonsanayn Heshiiskaa! Iyo Magdhowgii Soomaaliya Dalbatayna Maxkamaddu Ay Diiday Labadaana Waa Laysu Tuuray!!

Kolkaan U Soo Noqonno Dhererka Xeebta Soomaaliya Waxba Iskama Bedelin Waana 3,333 KM2 Labajibaaran

Maxkamadda ICJ, Xukunkeedu Waa Kama Danbays Cid Rafcaan Ka Qaadan Kartaana Ma Jiro, Ta Kale Fursad Weyn Ayey U Tahay Soomaaliya In Loo Qiray Xudduudeedii Fursadna Wey Haysataa Mustaqbalka In Dhulka Ka Maqanna Ay Soo Dhacsato Maadaama Maxkamadda ICJ, Xukunka Muranka Badda Ku Salaysay Xudduuda Juqraafiga Rasmiga Ee Dhulka Soomaaliya Ee Aan Ahayn Xudduud Beenaadii.

Ali Sheikh Adan

adam783@rocketmail.com

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this