Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynihii hore Maraykanka Bill Clinton oo isbitaal la dhigay

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynihii hore ee Mareykanka Bill Clinton ayaa la dhigay isbitaal ku yaal gobolka California, kadib markii laga helay xanuun aan ahayn caabuqa Covid-19.

Clinton, oo 75 jir ah, ayaa la dhigay Xarunta Caafimaadka UCI ee magaalada Irvine, sida uu xaqiijiyay fhayeenkiisa Angel Urena. “Waa soo kabanaya, niyaddiisuna waa wanaagsantahay, wuxuuna aad ugu mahadcelinayaa dhakhaatiirta, kalkaaliyayaasha iyo shaqaalaha siinaya daryeel aad u wanaagsan.” ayuu yiri Angel Urena.

Madaxweynihii hore ee Mareykankaa, ayaa tagay isbitaalka kadib markii uu dareemay daal, waxaana laga helay caabuqa sepsis ee ku dhaca dhiiggaa, oo sababay barar jirkiisa ah, taasoo dhakhaatiirtu ay rumeysan yihiin inuu ku bilowday infekshinka kaadi mareenka, sida ay uu wariyay telefishinka CNN oo soo xiganayay dhakhaatiirtiisa.

Clinton, oo ka tirsan xisbiga Dimuqraadiga ayaa madaxweyne ka ahaa Mareykanka intii u dhexeysay 1993-2001, wuxuuna sanadihii la soo dhaafay la tacaalayay xanuunno kala duwan oo ay ku jirtay qalliin dhinaca wadnaha ah loooga sameeyayy sanadkii 2010.

PUNTLAND POST

The post Madaxweynihii hore Maraykanka Bill Clinton oo isbitaal la dhigay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this