Sign in to follow this  
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Been intaan la eg

Recommended Posts

Neefkaan been hawaaska ah been badanaa. Teeda kale ciyaal muu na moodaa?

Cabdiraxmaan Cabdishakuur: Waa in shan taallo naloo dhisaa maadaama aan badbaadinay badda Soomaaliya

Hogaamiyaha xisbiga wadajir, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa sheegay in ay u qalmaan in loo taago Taallooyin lagu xasuusandoono kaalinta xukuumadii uu katirsanaa ay ka qaadatay  badbaadinta badda Soomaaliya.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay, haddii uusan jiri lahayn heshiiskii MOU ee uu saxiixay sannadkii 2009, in maanta aa la gaari lahayn guusha Soomaaliya ka gaartay dacwadda ee hortaalla ICJ.

“Kenya, 2005 ayay baddeenna goosatay. 2009 waxaan ku niri ma goosan kartaan, haddii aanan oran lahayn sidaas, way iska qaadan lahayd Kenya baddeenna,” ayuu yiri hoggaamiyaha xisbiga wadajir.

“Waxaan rabnaa taallada cidda loo dhisayo, kow, innaga in aan noqono. Labo rajiimkii naga dambeeyay ee madaxweyne Xasan Sheikh, oo isagana dacwadda geeyay maxkamadda. Saddex, Farmaajo kiisa wuu ugu dambeeyaa, inuu ku adkaystay illaa dacwadda dhamaatay in uusan ka bixin dhufayskii, isagana libintaas waa inuu qaataa,’ ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Si kastaba ha ahaatee, Soomaaliya ayaa diyaar garow xooggan ugu jirta dhegaysiga xukunka dacwadda badda oo ay maalinta berrito ah ku dhawaaqayso maxkamadda caddaalada adduunka ee ICJ.

Wafdi dowwladda katirsan oo uu hoggaaminayo raysal wasaare ku xigeenka Soomaaliya, Mahdi Guulleed Khadar ayaa haatan ku suga magaalada Hugue ee dalka Holland oo ay ku taallo maxkamadda.

Xigasho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this