Deeq A. Posted October 10, 2021 Ra’iisul wasaarihi dalka Austria Sebastian Kurz ayaa xilka iska casilay kadib eedeymo musuqmaasuq oo loo jeediyey dartood. Mr. Kurz oo la hadlay telefishinka ayaa yiri “Dalkeyga ayaa iiga muhiimsan qofkeyga. Waxa hadda loo baahan yahay waa xaalado deggan. Waxaan rabaa inaan meel u banneeyo si aan uga hortago fowdada oo aan u xaqiijiyo xasilloonida.” Xafiiska dacwad oogaha guud ee dalka Austria ayaa baaraya Kurz iyo xubno ku dhow kooxdiisa oo looga shakisan yahay inay ku kaceen falal musuqmaasuq. Hoggaamiyaha xisbiga Greens iyo guddoomiye ku xigeenka Werner Kogler ayaa dhankooda soo dhoweeyay iscasilaadda Kurz. PUNTLAND POST The post Ra’iisul wasaarihii dalka Austria oo is casilay appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites