Sign in to follow this  
Deeq A.

Dalka Peru oo yeeshay Ra’iisul wasaare cusub

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Peru, Pedro Castillo ayaa maanta wasiirka koobaad ee dalkaasi u dhaariyay haweeneyda lagu magacaabo Mirtha Vasquez, markii uu dhowaan is casilay Ra’iisul wasaarihii hore.

Magacaabistan deg-degga ah ayaa timid markii ay saacado ka hor is wada casileen R/wasaarihii hore Guido Bellido iyo dhammaan golihii wasiirrada ee dowladda Peru.

Madaxweynaha ayaa sheegay in durba ay xukuumaddu soo magacawday qaar ka mid ah golaheeda Wasiirrada, si loo dardar geliyo howlaha hor yaalla dowladda.

PUNTLAND POST

The post Dalka Peru oo yeeshay Ra’iisul wasaare cusub appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this