Sign in to follow this  
Deeq A.

Dhul-gariir dad badan ku dhinteen oo ka dhacay dalka Pakistan

Recommended Posts

Deeq A.   

Ugu yaraan 20 qof ayaa ku dhintay ilaa 300 oo kalena waa ku dhaawacmeen saacadihii hore ee Khamiistii, kadib markii dhulgariir cabbirkiisu ahaa 5.7 uu ku dhufta koofurta Pakistan, iyadoo in badan oo ka mid ah dadka geeriyooday ay hurdeen, sida uu sheegay maamulka maareynta musiibooyinka ee dalkaas.

Shaqaalaha gurmadka ayaa sheegay in dadka dhintay badankoodu ay ahaayeen haween iyo carruur.

In ka badan 100 cariish ayaa dumay, iyada oo dhismayaal badana ay soo gaartay waxyeello, waxaana muuqallada laga siidaayay telefishanka ay muujinayeen dhaawa soo gaaray guryaha magaalada Hamia oo uu dhulgariirku ku dhiftay.

Sohail Ansar oo ah guddoomiye ku xigeenka magaalad kale ee Hamai ayaa wakaaladda wararak ee Reuters u sheegay in boqolaal qof uu guryo la’aan dhigay dhulgariirkan.

PUNTLAND POST

The post Dhul-gariir dad badan ku dhinteen oo ka dhacay dalka Pakistan appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this