Sign in to follow this  
Deeq A.

Xaruntii degmada Garbahaarrey oo xoog lagu qabsaday iyo xiisad ka taagan

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka ka imaanaya magaalada Garbahaarrey ee xarunta Gobolka Gedo ayaa sheegaya in halkaas laga dareemayo xiisad dagaal kadib markii xoog lagu qabsaday xaruntii maamulka degmadaas.

Guddoomiyihii hore ee Gobolka Gedo Cismaan Nuur Xaaji (Macalimu) iyo ciidamo uu wato ayaa xoog ku qabsaday xaruntii maamulka degmada sida ay xaqiijiyeen goob-joogayaal.

Tallaabadaas ayaa sida la sheegayo waxa ka dhashay xiisad dagaal iyadoo qaar kamid ah odayaasha dhaqanka degmadaas laga soo xigtay in ay wada-hadal ugu tagayaan mas’uulka xoogga ku qabsaday xarunta.

PUNTLAND POST

The post Xaruntii degmada Garbahaarrey oo xoog lagu qabsaday iyo xiisad ka taagan appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this