Deeq A. Posted October 7, 2021 Gabadh iska soo tuurtay Fooq Magaalada Muqdisho+Sababta Dhacdo naxdin leh ayaa xalay ka dhacday magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, gaar ahaan degmada Waaberi kadib markii gabadh ay iska soo tuurtay dabaq. Gabadhaan oo aan weli la helin magaceeda ayaa da’deeda lagu sheegay illaa 20 jir, waxaana kasoo baxaya warar kala duwan sababta ay gabadhaan isku soo tuurtay. Qaar ka tirsan dadka deegaanka ayaa sheegay in gabadhaan ay aheyd shaqaale ka shaqeeneysay guri dabaq ah oo ku yaalla degmada Waaberi. Gabadha oo uu soo gaadhay dhaawac halis ah ayaa waxaa hadda lagu daweenayaa mid kamid ah Cisbitaalada Magaalada Muqdisho, waxaana xaaladeeda caafimaad lagu sheegay mid halis ah. Sababta ay isku soo tuurtay ayey dadka deegaanka ku sheegeen inay tahay arrimo la xidhiidha jacayl ay u qabtay wiil ay saaxiibo ahaayeen, balse warkaas lama xaqiijin karo illaa gabadha la wareysto. Sidoo kale, warar kale ayaa sheegaya inay gabadhaan isku soo tuurtay culeys ka heystay dhanka qoyskeeda inkastoo aan si rasmi ah loo xaqiijin karin. Ma ahan markii ugu horeysay oo falal noocaan ah ay ka dhacaan Magaalada Muqdisho, waxaana bilahan danbe dhisme dhawr ah dabaq laga soo tuuray gabadh isla degmada Waaberi. Qaran News Share this post Link to post Share on other sites