Sign in to follow this  
Deeq A.

ABGAAL oo soo rogay amar culus oo cidii fulin weysa lagu calaameynayo Al-Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Garowe (Caasimada Online) – Wasiirka Maaliyadda Puntland Xasan Shire Abgaal ayaa amar culus dul-dhigay maamullada iskuullada ka howlgala deegaanada maamulkaas, iyadoo laga dalbaday inay canshuurta bixiyaan, waxaana maamulayaasha iskuullada loogu goodiyey in sharci adag la marsiin doono, hadii aysan bixin canshuurta dowladda.

Abgaal oo warbaahinta kula hadlay Garoowe ayaa macalimiinta iskuullada ka dalbaday inay canshuurta dowladda iska dhiibaan, isagoo hadii ay bixin waayaan ku sifeeyey inay Al-shabaab lamid yihiin.

“Waxaan leenahay maamulayaasha iskuullada qofkii canshuur-diide noqda, waxa uu noola mid yahay Al-Shabaab, ninka canshuurta sharciga ah diida iyo ninka Shabaabka ah ee dadka masaajidka ku dilaya waa isku mid, sababtoo ah askariga difaaca ku jira hadii canshuurta la diido mushaar ayuu weynayaa, sababteedana waxaa yeelanaya ninka canshuurta diiday, marka muxuu ninkaas Shabaab uga duwan yahay?” ayuu yiri Wasiir Shire.

Wasiirka ayaa sheegay inay sharciga la tiigsan doonan maamulkiisa iskuulkii isagoo ku doodaya canshuurbaa nala weydiiyey ardaydiisa kala dira, “Waxaan heynaa magacyada maamulayaasha sidaas ku goodinaya, sharciga ayaana la tiigsa doonaa, hadii ay qaadaan tallaabadaas,” ayuu yiri.

Wasiir Xasan Shire ayaa carabka ku adkeeyey in qofkii canshuurta diida oo bixin waaya uusan dowladnimo rabin, taas oo sida uu sheegay lamid dhigeysa Al-Shabaab oo aan dowladnimo rabin.

“Ninkii canshuurta diida waa nin Al-Shabaab garab siinaya, anagu sidaas ayaan u aqoonsaneynaa,” ayuu hadlkiisa ku sii daray wasiirka maaliyadda maamulka Puntland Xasan Shire Abgaal.

The post ABGAAL oo soo rogay amar culus oo cidii fulin weysa lagu calaameynayo Al-Shabaab appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this