Deeq A. Posted October 6, 2021 Hay’adda u doodda xuquuqda Aadanaha ee Amnesty International ayaa ku eedeysay kooxda Taalibaan in ay si sharci darro ah u dileen 13 xubnood oo ka tirsan qowmiyadda laga tirada badan yahay ee Hazara 30-kii bishii Ogosto. Hay’adda ayaa sheegtay in dadka la dilay ay ku jiraan 11 askari oo hore uga tirsanaa xukuumaddii Afghanistan ee la eriyay iyo laba qof oo rayid ah oo midkood tahay gabar 17-jir ah. Dilalkan ka baxsan sharciga ayaa ka dhacay tuulada Kahor oo ka tirsan degmada Khidir ee bartamaha gobolka Daykundi, sida lagu sheegay warbixinta Amnesty International. Amnesty ayaa xaqiijisay sawirro iyo caddeymo muuqaal ah oo la qaaday kaddib dilalkan, iyagoo Taalibaan ka dalbaday in falalkan aargudashada ay joojiyaan. PUNTLAND POST The post Kooxda Taalibaan oo bilowday dilal sharciga ka baxsan appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites