Sign in to follow this  
Deeq A.

Hawlgalka Khusuusiya oo ay ku fashilmeen sirdoonka Israa’iil

Recommended Posts

Deeq A.   

Hawlgalka Khusuusiya oo ay ku fashilmeen sirdoonka Israa’iil

rod.jpg
Ron Arad

Wakaaladda sirdoonka Israa’iil (Mossad) ayaa fulisay hawlgal lagu sheegay in uu yahay mid geesinimo leh, iyada oo ujeedadu ahayd in la ogaado halka uu ku dambeeyay duuliyihii la waayay, Ron Arad, sida uu sheegay ra’iisul wasaaraha Israa’iil Naftali Bennett.

Bennett ayaa u sheegay Baarlamaanka (Knesset) inuusan la wadaagi karin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan hawsha lagu xallinayo mid ka mid ah waxyaalaha ugu qarsodiga badan Israa’el.

Laakiin telefishanka Israa’iil oo soo xiganaya madaxa Mossad ayaa sheegay in isku daygaasi “fashilmay”.

Duuliyihii Israa’iil Ron Arad ayaa la la’aa tan iyo markii ay diyaaraddiisu ku dul burburtay Lubnaan, intii lagu guda jiray duulimaadkii hawada 1986, waxaana loo malaynayaa inuu dhintay.

Duuliyihii ayaa waxaa soo badbaadiyay ciidamada Israa’iil intii lagu jiray hawlgal gaar ah, laakiin Korneyl Arad, ayaa waxaa qabtay maleeshiyada Shiicada Lubnaan ee Amal Movement.

Sannad ka dib, dhaqdhaqaaqa Amal ayaa soo bandhigay dalab ahaa inuu 200 Lubnaan iyo 450 maxbuus oo Falastiiniyiin ah, la siidaayo .

Wararka ayaa sheegaya in wada xaajoodyadaasi ay burbureen kadib markii Israa’iil ay diiday inay maxaabiista reer Falastiin ku bedesho duuliyihii.

Warbixin ay sanadkii 2016 soo saareen Mossad iyo sirdoonka milatariga Israa’iil ayaa lagu soo gabagabeeyay in Arad ay u badan tahay in uu dhintay isaga oo maxbuus ah 1988kii.

Khudbad uu ka jeediyay furitaankii kalfadhigii golaha Knesset Isniintii, Mr. Bennett wuxuu ku sheegay in bishii hore, wakiillada Mossad, rag iyo dumar, ay bilaabeen “hawlgal adag, baaxad leh oo dhiirran” si ay u ururiyaan macluumaad cusub oo ku saabsan masiirka iyo halka uu ku sugan yahay Lt. Col. Arad.

“Tani waa waxa kaliya ee la shaacin karo xilligan,” ayuu raaciyay.

Goor dambe, telefishin Israa’iil ayaa ka soo xigtay madaxa Mossad David Barnea intii lagu guda jiray kulanka Mossad: “Wuxuu ahaa hawlgal geesinimo leh, oo qalafsan, laakiin wuxuu ahaa mid fashilmay.

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka jawaabay warbixinta isagoo soo saaray bayaan, kuna adkeystay in howshu aysan ahayn mid guuldaraysatay balse “hawlgal guullaga gaaray, oo lagu fuliyay ujeeddooyin gaar ah.”

Qoyska Sarkaalka Ron Arad ayaa u sheegay telefishinka 12 inay hayaan “rajada laga yaabo in maalin uun aan ogaanno waxa ku dhacay Ron.”

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this