Sign in to follow this  
Deeq A.

Golaha Ammaanka oo ka shiraya xaaladda dalka Itoobiya

Recommended Posts

Deeq A.   

Golaha Ammaanka oo ka shiraya xaaladda dalka Itoobiya

A52C7C64-DBA0-4D47-A3BD-72BA49D39CE2_w10

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa lagu wadaa inuu maanta xaaladihii ugu danbeeyay ee colaadda Itoobiya warbixin kooban ka siiyo xubnaha Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay.

Guteres ayaa si gaar ah uga hadli doono soo eryiddii ay dhawaan Itoobiya dalkeeda kasoo eriday toddoba arkaal oo sare oo ka tirsan saraakiisha laamaha gargaarka ee Qaramada Midoobay.

Waa kulanki labaad oo uu Golaha Amaanka ka yeelanayo arrimaha Itoobiya wax ka yar hal todobaad, tan iyo marki uu Ra’isul Wasaare Abiy Ahmed 30-ki bishii September ku dhawaaqay in ay dalkiisa muddo 72 saacadood ah uga baxaan saraakiisha Qaramada Midoobay.

Ethiopia ayaa ku eedeeysay saraakiishan, in ay faragelin ku hayeen arrimaha gudaha ee dalkeeda, isla markaana ay mucaawinooyin iyo qalab is-gaarsiineed u gudbiyeeen Jabhadda Xoreynta Tigray ee loo soo gaabiyo (TPLF), taas oo ay dowladda federaalka dagaal kula jirto tan iyo dhamaadka sannadi hore.

Qaramada Midoobay ayaa Isniintii xaqiijiyay in saraakiishaasi ay ka baxeen Itoobiya.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this