Deeq A. Posted October 6, 2021 Maxkamadda sare ee dalka India ayaa taagertay go’aanka dowladda dalkaasi ay magdhaw ku siineyso dadkii eheladooda ay u dhinteen safmareenka Covid-19. Go’aanka maxkamadda ayaa waxa uu daba jooga codsi ay qareenada dalkaasi u gudbisteen bartamihii July ee sanadkaan taas oo ay ku codsadeen in magdhaw la siiyo ehelada dadki u dhintay Corona Virus. Magdhawga la siinayo ayaa gaaraya illa iyo $-674 oo u dhigenteen 40,000, oo ah lacagta dalkaasi laga isticmaalo ee loo yaqaano Rupi. Garsoore Shah ayaa sheegay todobaadkaan in lacagtaas ay ku helayaan dadka eheladoodu ay Corona u dhinteen muddo bil gudaheed ah. Dalka Hindiya ayaa diiwaan geliyay illa iyo hadda in 447,000 ay u dhinteen xanuunka, xilli warbaahinta dalkaasi ay sheegtay in tirada saxda ah ay ka badan tahay inta dowladda ay sheegatay. Hindiya Sharciga Maareynta Musiibooyinka ee dalka, ay xaq u leeyihiin qoysaska dadkooda ku waayay musiibadaan in ay hellaan magdhow. Goobjoog News Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites