Sign in to follow this  
Deeq A.

Golaha Amniga Qaramada Midoobay oo ka maanta ka shiraya xaaladda Itoobiya

Recommended Posts

Deeq A.   

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa lagu wadaa inuu maanta xaaladihii ugu danbeeyay ee colaadda Itoobiya warbixin kooban ka siiyo xubnaha Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay.

Guteres ayaa si gaar ah uga hadli doono soo eryiddii ay dhawaan Itoobiya dalkeeda kasoo eriday toddoba arkaal oo sare oo ka tirsan saraakiisha laamaha gargaarka ee Qaramada Midoobay.

Waa kulanki labaad oo uu Golaha Amaanka ka yeelanayo arrimaha Itoobiya wax ka yar hal todobaad, tan iyo marki uu Ra’isul Wasaare Abiy Ahmed 30-ki bishii September ku dhawaaqay in ay dalkiisa muddo 72 saacadood ah uga baxaan saraakiisha Qaramada Midoobay.

Ethiopia ayaa ku eedeeysay saraakiishan, in ay faragelin ku hayeen arrimaha gudaha ee dalkeeda, isla markaana ay mucaawinooyin iyo qalab is-gaarsiineed u gudbiyeeen Jabhadda Xoreynta Tigray ee loo soo gaabiyo (TPLF).

PUNTLAND POST

The post Golaha Amniga Qaramada Midoobay oo ka maanta ka shiraya xaaladda Itoobiya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this