Sign in to follow this  
Deeq A.

Dhinacyada Galmudug iyo Ahlusunna oo abaabul iyo hub urursi bilaabay

Recommended Posts

Deeq A.   

Xiisadda colaadeed ee u dhexaysa Galmudug iyo Ahlusunna ayaa cirka isu shareertay iyadoo aysan jirin wax waan-waan ah oo laga dhex wado.

Wararka ayaa sheegaya in Labada dhinac ay  ku jiraan abaabul ciidan iyo hub urursi tan iyo markii ay hadalo kulul hawada isu mariyeen mas’uuliyiin ka tirsan labada dhinac.

Hoggaanka Culimada Ahlusunna ayaa sheegay in aysan wax dhib ah ku wadin Galmudug islamarkaana hub urursigoodu la xiriiro dagaalka Al-shabaab.

Waxa xusid mudan in labadii todobaad ee u dambeeyay Ahlusunna qabsatay magaalooyin ka tirsan Hiiraan iyo Galgaduud.

PUNTLAND POST

The post Dhinacyada Galmudug iyo Ahlusunna oo abaabul iyo hub urursi bilaabay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this