Deeq A. Posted October 6, 2021 Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ayaa sheegaya in halkaas uu ka dhacay qarax lala eegtay mas’uuliyiin ka tirsan Hirshabeelle. Laba xildhibaan oo ka tirsan Baarlamanka Hirshabeelle ayaaa ku dhaawacmay qaraxaas kadib markii lala eegtay gaariga ay saarnaayeen sida laga soo xigtay goob-joogayaal. Xildhibaan Iidow iyo Xil. Maxamed dheere ayaa loo qaaday isbitaalka guud ee magaalada Jowhar si loola tacaalo dhaawacyada gaaray. Weli ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxaas inkastoo Al-shabaab looga bartay in ay sheegtaan qaraxyada ka dhaca halkaas. PUNTLAND POST The post Xildhibaano ku dhaawacmay qarax ka dhacay magaalada Jowhar appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites