Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Farmaajo oo berri u baxaya safar dibadda ah – Yaa u yeeray?

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay noo xaqiijiyeen ilo wareedyo muhiim ah oo Madaxtooyada Soomaaliya ka tirsan waxaa berri safar dalka dibadiisa ah u bixi doona Madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Isniinta berri ku wajahan magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, waxuuna safarka Addis Ababa noqonayaa kii ugu horeeyey ee Farmaajo uu dalka uga baxo, tan iyo 25-kii bishii April, xilligaas oo Muqdisho ay ka dhaceen qalalaase iyo isku dhacyo hubeysan oo looga hortegay mudo kororsigiisii labada sano ahaa.

Sida aan xogta ku helnay Farmaajo waxaa lagu martiqaaday caleema saarka Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed oo bishii June Xisbigiisa talada dalkaas haya uu ku guuleystay doorashadii dalkaas ka dhacday.

Farmaajo iyo Abiy waa saaxiibo dhaw oo siyaasadeed, waxay kol-hore hoggaamiyaha kaligii talis ka ah ee Eritrea la yeesheen iskaashi abuuray tuhun badan, balse waayaahaan ma kulmin oo mid kasta xasarada ka oogan gudaha xukunkiisa ayuu ka badin waayey.

Safarkaan u qorsheysan Farmaajo ayaa sidoo kale ku soo aadaya iyadoo khilaaf xun oo la xali waayey uu kala dhaxeeyo Ra’iisul Wasaarihiisa Rooble, lamana oga wajiga socdaalka Farmaajo uu u jaheyn doono khilaafka kala dhaxeeya Rooble.

Horay waxaa loo ogaa in mudo maalmo ah La-taliyaha amniga Farmaajo, taliyihii hore ee NISA Fahad Yaasiin laga hor istaagay inuu ka soo dego Muqdisho, taas oo ku kaliftay inuu Istanbul – Turkiga uu Fahad ka soo kireysto diyaarad yar oo u khaas ah.

Fahad iyo Farmaajo oo is garab sanaya waxay Rooble la dagaaleen markii go’aansaday in baaritaan madax-banaan lagu sameeyo dilkii Ikraan Tahliil oo lagu eedeeyey hey’adii ay ka tirsaneed ee NISA.

The post Xog: Farmaajo oo berri u baxaya safar dibadda ah – Yaa u yeeray? appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this