Sign in to follow this  
Deeq A.

Milatariga Soomaaliya oo boqollaal qof ku qa-qabtay Gobolka Shabeellada Hoose

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidamada Milatariga Soomaaliya, oo hawlgal qorshaysan ka fuliyay tuulooyin ka tirsan Gobolka Shabeellada Hoose, ayaa halkaas ka raafay boqollaal ruux oo lagu tuhmay Shabaabnimo.

Ciidamada ayaa raaf ka sameeyay tuulooyinka Kaaytooy, Mushaani, Xerta Doonka,  Waagade  iyo kabtaanka oo dhamaantood u dhow degaanka Janaale ee Gobalka Shabellaha Hoose.

Saraakiisha Ciidamada, ayaa sheegay in ay baaritaan ku samaynayaan boqollaal ruuux oo lagu qabtay hawlgalkaas, islamarkaana looga shakisanyahay Al-shabaab.

Dhinaca kale, ciidamada ayaa intii ay hawlgalka ku jireen iska hor-imaad kala kulmay Al-shabaab waxayna sheegeen in 12 xubnood ay ka dileen kooxda balse khasaaraha dhankooda gaaray kama hadlin.

PUNTLAND POST

The post Milatariga Soomaaliya oo boqollaal qof ku qa-qabtay Gobolka Shabeellada Hoose appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this