Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Deni oo xilkii ka qaaday guddoomiyaha gobolka Nugaal

Recommended Posts

Deeq A.   
  • FB_IMG_16331807600581484.jpg?resize=508%Cawil Mataan, guddoomiyaha cusub ee Nugaal

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa xilkii ka qaaday guddoomiyihii gobolka Nugaal Cawil Axmed Jabuuti, wuxuuna xilkaas u magacaabay Maxamuud Xassan Maxamed (Cawil Mataan).

Guddoomiyaha cusub ee gobolka Nugaal Cawil Mataan ayaa ah ganacsade saaxadda siyaasadda ku cusub oo muddooyinkii dambe ku maqnaa dalka dibadiisa.

Guddoomiyaha xilka laga qaaday Cawil Axmed Jabuuti ayaa muddooyinkii dambe ka maqnaa gobolka, wuxuuna jiray dalka Mareykanka oo uu markii hore ka yimid.

Xilka qaadista iyo magacaabista guddoomiyaha gobolka Nugaal ayaa timid, iyadoo maalmihii u dambeeyay magaalada Garowe ka dheceen falal lidi ku ah amniga.

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Deni oo xilkii ka qaaday guddoomiyaha gobolka Nugaal appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this