Sign in to follow this  
Deeq A.

Boosaaso: Booliiska oo sheegay in xabsiga la dhigay askari dil iyo dhaawac gaystay

Recommended Posts

Deeq A.   
1.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1

Hal qof oo rayid  ah ayaa ku geeriyooday, mid kalena waa ku dhaawacmay, Rasaas uu xalay riday askari ka tirsan Booliiska magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari.

Taliska Qaybta Booliiska Gobolka Bari, ayaa qoraal ay soo saareen ku sheegay  in Rasaasta uu ku dhintay marxuum, Ayaanle Jaamac Cumar, islamarkaana uu ku dhaawacmay Bishaaar Cali Cawad.

Taliska ayaa sheegay in xabsiga la dhigay askari ka tirsan Booliiska oo falkan gaystay, kaas oo  baaritaan lagu samayn doono.

Ciidanka Booliiska waxay qabteen askarigii falkaas geystay waxaana socoda baaritaanka dhacdadan” ayaa lagu yiri warka ka soo baxay Booliiska.

PUNTLAND POST

The post Boosaaso: Booliiska oo sheegay in xabsiga la dhigay askari dil iyo dhaawac gaystay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this