Deeq A. Posted October 2, 2021 Booliiska Somaliland ayaa xabsiga dhigay suxufi Mowliid Ismaaciil Digeed oo ka tirsan suxufiyiinta magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool. Suxufigaas ayaa saacadihii la soo dhaafay warbixino ka qoray raaf xooggan oo Booliiska Somaliland ku sameeyay dadka ka soo jeeda Koonfurta Soomaaliya ee ku nool degmada Laascaanood. Boqollaal kamid ah ganacsatada yar yar ee ka soo jeeda Baay iyo Bakool oo xalay laga raafay Laascaanood ayaa saaka labgu ururiyay garoonka kubadda cagta Cabdi Bile. Dadka qaarkood ayaa jirdil loo gaystay sida wararku sheegayaan halka qaar kale oo raafka ka badbaadana u carareen dhinaca Garoowe. PUNTLAND POST The post Suxufi lagu xiray magaalada Laascaanood appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites