Deeq A. Posted October 2, 2021 Booliiska caasimadda Garoowe ayaa xabsiga dhigay shan ruux oo kamid ah dhinacyo ku muransan arrima dhuleed. Wararku waxay sheegayaan in laba dhinac oo uu ka dhexeeyo muran dhuleed uu dhinac xalay weeraray guri ku yaalla magaalada islamarkaana shan qof loo qabtay dhacdadaas. Lama soo werin wax khasaare nafeed ah oo ka dhashay weerarkii xalay. Dhacdadaas ayaa sidoo kale lala xiriiriyay weerar habeen ka hor lagu qaaday guriga Taliyaha Qaybta Booliiska Gobolka Nugaal G/sare Maxamed Aaden Jaamac (Degelle). PUNTLAND POST The post Booliiska Garoowe oo xabsiga dhigay shan ruux appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites