Sign in to follow this  
Deeq A.

Muxuu Ruushka oo ka yiri xaaladda siyaasada Somalia?

Recommended Posts

Deeq A.   

New York (Caasimada Online) – Dowladda Ruushka ayaa sheegtay inay muhiim tahay in laga hortago in xaaladda Soomaaliya ay kasii darto ayada oo dalka uu ku guda jiro qabashada doorashooyin.

Ku-xigeenka wakiilka joogtada ah ee Russia ee QM Anna Yevstigneyeva ayaa kulan uu qabtay Golaha Ammaanka oo ku saabsan xaaladda Soomaaliya u sheegtay, in Soomaaliya ay baahan tahay waqti iyo xaalado deganaansho siyaasadeed, bulsho iyo amni, si ay uga soo baxdo waajibaadkeeda qabashada doorashooyinka.

“Halkan, Golaha Ammaanka waxaan u baahanahay inay na hagaan xaqiiqoyinka ka jira dalka, ayna Soomaaliya u kala hormariso ahmiyadaheeda sida ay yihiin,” ayey tiri Anna.

Waxa ay intaas ku dartay in shaqada ugu weyn ee mustaqbalka dhow hortaalla Soomaaliya ay tahay inay soo geba-gebeyso doorashooyinka qaranka.

“Nasiib-darro, mas’uuliyiinta federaalka waxay ku qasbanaadeen inay dib u jadwal gareeyaan taariikhihii hore ee la isku raacay kadib markii ay dhaceen xasillooni darrooyin siyaasadeed,” ayey tiri Anna Yevstigneyeva, oo intaas ku dartay “Hadda waxaa la qorsheynayaa in doorashooyinka lasoo gabe-gebeeyo kahor dhammaadka November.” 

“Sidoo kale, waa muhiim in laga hortago in xaaladda amni ay sii xumaato, taasi oo markii horeba aheyd mid muhiim ah,” ayey tiri Anna, ayada oo tix raaceysa weerarada kooxda Al-Shabaab.

Qoraalka Anna Yevstigneyeva ee ku aaddan xaaladda Soomaaliya ayaa imanaya ayada oo Moscow ay bilihii tegay u muuqatay inay aad u daneyneyso arrimaha Soomaaliya. 

The post Muxuu Ruushka oo ka yiri xaaladda siyaasada Somalia? appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this