Sign in to follow this  
Deeq A.

Garowe: Taliye Degelle oo si ada uga hadlay weerar lagu qaaday gurigiisa

Recommended Posts

Deeq A.   

Taliyaha Qaybta Booliiska Gobolka Nugaal G/sare,  Maxamed Aaden Jaamac (Degelle), ayaa ka warbixiyay weerar xalay lagu qaaday hoyga uu ka deganyahay caasimadda Garoowe.

Taliyaha ayaa sheegay in weerarka ay fuliyeen dad laga xukumay dhul muran ka taagnaa kadib markii la xiray ninkii u weynaa oo diiday in uu u hoggaansamo xukunka.

Sidoo kale, wuxu sheegay in kooxdii weerarka soo qaadday ay hadda isku urursanayaan bogcaddii laga xukumay oo ku taal magaalada Garoowe.

Taliye Degelle ayaa sheegay in guddiga Amnigu kulan deg deg ah ka yeelan doonaan sidii tallaabo looga qaadi lahaa kooxdaas.

Halkaan ka daawo muuqaalka oo dhan

PUNTLAND POST

The post Garowe: Taliye Degelle oo si ada uga hadlay weerar lagu qaaday gurigiisa appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this