Sign in to follow this  
Deeq A.

Macallin Maxamuud: Waa shahiid qofkii ku dhinta dagaalka aan iclaaminay

Recommended Posts

Deeq A.   

Hoggaamiyaha guud ee Culimaa’udiinka Ahlusunna, Macallin Maxamuud Sheikh Xasan, ayaa si rasmiya u iclaamiyay dagaal Al-shabaab looga xoraynayo Gobollada dhexe ee Soomaaliya.

Qoraal kooban oo uu goor dhowayd soo saaray, ayuu ku sheegay in Ahlusunna isu taageen xoraynta Gobollada dhexe, si shacabka dhulkaas looga dulqaado Al-shabaab.

Ahlusunna Waljamaaca waxa ay culumo iyo xerba u istaageen xoreynta dhulka cadawga qawaarijtu dhibaateynayo ee Gobolada Dhexe” ayuu yiri Macallin Maxamuud.

Sidoo kale, wuxu sheegay in qof kasta oo ku dhinta dagaalkaas uu yahay shahiid ilaahay u ballan-qaaday Janno.

Waxaa ujeedku yahay in aan ummada ka dul qaadno Cadawga Alshabaab, qof kasta oo dagaalkaa ku dhintana waa shahiid sida alle balan qaaday” ayuu sii raaciyay.

Hadalkiisa ayaa ku soo beegmay, xilli Gobollada dhexe ay ka aloosantahay xiisad dagaal oo u dhexaysa Ahlusunna iyo Galmudug.

PUNTLAND POST

The post Macallin Maxamuud: Waa shahiid qofkii ku dhinta dagaalka aan iclaaminay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this