Deeq A. Posted October 1, 2021 Al-shabaab ayaa Maamul cusub u magacaabay laba Gobol oo ka tirsan Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya sida ay sheegtay warbaahinta Al-shabaab. War ka soo baxay Al-shabaab ayaa lagu sheegay in Maamulka cusub oo Islaami ah loo magacaabay Gobollada Baay iyo Bakool oo ka tirsan Koonfur Galbeed. Sheikh Cismaan Abu Cabdiraxmaan ayaa Al-shabaab u magacowday waxay ku sheegeen Waaliga Islaamiga ah ee Gobolka Bakool sida ku cad Qoraalkaas. Sheikh Xamsa Abu-Jacfar ayaa isna loo magacaabay Gobolka Baay waxaana xusid mudan in labada nin aan midkoodna sawirkiisa la soo bandhigin. PUNTLAND POST The post Al-shabaab oo Maamul cusub u magacaabay Baay iyo Bakool appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites