Sign in to follow this  
Deeq A.

Doorashada Aqalka sare ee Gobolada waqooyi oo la soo geba-gabeeyay

Recommended Posts

Deeq A.   

Waxaa la soo gabagabeeyay doorashadii kuraasta xubnaha Aqalka Sare ee gobollada Waqaooyi ee Somaliland, kadib markii shan ka mid ah Khamiista maanta ah la qabtay doorashadooda.

Saciid Cabdi Xasan Cowke ayaa noqday Senator-ka toddobaad, kaddib markii uu u tanaasulay Jaamac Cabdullaahi oo la tartamayay.

Senator Muna Cumar Xasan ayaa lumisay kursigeedii markii ay heshay 13 cod, waxaana kursigaas ku guuleysatay Naciima Xasan Xaaji oo heshay 30 cod.

Deeqa Xasan Xuseen ayaa iyana mar kale dib loogu soo doortay Aqalka Sare, halka labada kursi ee kalana ay ku kala guuleysteen Axmed Maxamed Siciid iyo Axmed Maxamed Ibraahim (Abwaan Qorane).

Guddoomiyaha guddiga doorashada Somaliland Khadar Xariir Xuseen ayaa ku dhawaaqay inay soo gabagabowday doorashada 11-ka kursi ee Aqalka Sare ee Somaliland, taas oo qabsoontay muddo laba maalmood ah.

PUNTLAND POST

The post Doorashada Aqalka sare ee Gobolada waqooyi oo la soo geba-gabeeyay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this