Sign in to follow this  
Deeq A.

Soomaaliya iyo Kenya oo iska kaashanaya isu-socodka iyo duulimaadyada

Recommended Posts

Deeq A.   
Duraan.jpg?resize=720%2C480&ssl=1

Wasiirka Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Duraan Axmed Faarax ayaa kulan la qaatay Safiirka dowladda Kenya u fadhiya Soomaaliya Danjire Lucas Tumbo oo Xafiiskiisa ku booqday.

Kulanka oo looga hadlay dhowr arrimood oo muhiim ah isku socodka dadka ee labada ayaa diirada lagu saaray siyaabaha kor loogu qaadi karo iskaashiga Kenya iyo Soomaaliya ee dhinacyada horumarinta duulimaadyada iyo isku socodka dadka labada dal.

Labada mas’uul ayaa hoosta ka xariiqay muhiimada ay leedahay in la ballaariyo wada shaqeynta ka dhaxeysa labada dowladood si loo dhowro sharafta iyo madax banaanida labada dal.

Kulanka ayaa ku soo beegmay xilli diyaaradaha dagaalka Kenya dad rayid ah ku duqeeyeen degaanno ka tirsan Gobolka Gedo islamarkaana aysan jirin weli cid ka hadashay.

PUNTLAND POST

The post Soomaaliya iyo Kenya oo iska kaashanaya isu-socodka iyo duulimaadyada appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this