Sign in to follow this  
Deeq A.

Midowga musharixiinta:- Farmaajo waa in loo aqoonsada Qaswade!

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho ( Caasimada Online) – War kasoo baxay Golaha Midowga Musharixiinta ayaa looga hadlay Xaaladda Soomaaliya gaar ahaan go’aanka Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ku sheegay in uu hakiyay awoodda Ra’iisul Wasaaraha XFS.

Golaha Midowga Musharixiinta ayaa tallaabadaas ku tilmaamay mid kahor imaaneysa Dastuurka Dalka isla markaana xad gudub ku ah howlaha shaqo ee Wasiirka Koowaad ee Xukuumadda Federaalka Maxamed Xuseen Rooble.

“Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxa uu dalka u horseeday Xasarad siyaasadeed & Qalalaase amni oo halis gelin kara Xasiloonida Soomaaliya, qoraalka uu soo saaray waxa uu muujinayaa in uusan ka tanaasulin damicii ahaa muddo kororsiga” ayaa lagu yiri Xaanshida kasoo baxday Golaha Midowga Musharixiinta.

Golaha ayaa si jeediyay in beesha Caalamku ay u aqoonsato Farmaajo iyo lataliyaashiisa “Qaswadayaal” waxa ayna ka dalbadeen shacabka Soomaaliyeed in la garan istaago Ra’isul wasaaraha.

Midowga Musharixiinta ayaa sheegay inay go’aankii kasoo baxay Farmaajo u arkaan:

1- In Madaxweynaha muddo-xileedkiisa dhammaaday uu si bareer ah ugu tuntay Dastuurka dalka, kana beensheegay qodobbadiisa. taasoo ka marqaati kacaysa in uusan ka soo bixin mas’uuliyaddiisa ilaalinta Dastuurka unna muuqdo shakhsi aan degenaansho siyaasadeed lahayn oo aan lagu aamini karin xilka ugu sarreeya ee dalka.

2- In Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhammaaday uu xagal daacinayo caddaalad u helidda kiska Ikraan Tahliil, gabbaadna siinayo eedaysanayaasha ku lug leh kiska, isla markaana carqaladeynayo habsami u socodka hawlaha doorashooyinka, gaar ahaan kuwa xildhibaannada gobollada waqooyi ee Somaliland iyo beelaha Banaadiriga oo labaduba ka dhacaya magaalada Muqdisho.

3-In Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhammaaday uu si joogta ah u jebiyo heshiiskii la gaaray 27ka Maajo, wiiqana awoodda Raysal- wasaaraha, isla markaana awood gaar ah siiyo shabakado qarsoon oo barbar socda hawlaha Raysal-wasaaraha, kuwaasoo loo gorsheeyey in ay Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhammaaday u boobaan doorashooyinka.

Midowga Musharixiinta ayaa waxaa ay sidoo kale soo saareen todobo qodob oo badankood ay ku muujinayaan inay garab taagan yihiin Ra’iisul Wasaaraha, kuwaas oo kala ah.

1- In Raysal-wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta uu dardargeliyo hawlaha doorashooyinka, iyo caddaalad u helidda kiiska lkraan Tahliil.

2- In Golaha Wadatshiga Qaran uu shir deg-deg ah isugu yimaado si loo hawlgeliyo qorshaha doorashooyinka, dalkana looga saaro xaaladda kala guurka ah iyo khalkhalka siyaasadeed.

3- In Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhammaaday loo aqoonsado isaga iyo la taliyayaashiisa qaswadeyaal liddi ku ah xasilloonida dalka.

4- In Ciidanka Qalabka-sida ay ka fogaadaan ku milanka siyaasadda sida uu qabo qoddobka 127 ee Dastuurka dalka iyo heshiiskii 27 Maajo.

5-In shacabka Soomaaliyeed, Dawlad-goboleedyada iyo beesha caalamkaba ku garab istaagaan Raysal-wasaaraha sidii u uu cadaalad ugu heli lahaa Kiiska Ikraan Tahliil iyo sidi deg-deg loogu qaban lahaa doorasho la isku raacsan yahay oo jawi xasillooni iyo nabad leh ku dhacda.

6- In laga fogaado wax kasta oo xasarad iyo dhillo colaadeed abuuri kara, meelna looga soo wada jeesto cid kasta oo isku dayda in ay dalka qalalaase amni ka abuurto.

7- Goluhu wuxuu markasta diyaar u yahay tallaabo kasta oo lagu xoojinaayo amniga iyo xasilloonida dalka.

Halkaan hoose ka akhriso war murtiyeedka oo dhameytiran

242041835_4179098758869280_8814454350667

242044327_4179098772202612_6870288223320

The post Midowga musharixiinta:- Farmaajo waa in loo aqoonsada Qaswade! appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this