Sign in to follow this  
Deeq A.

Lixda meelood ee aan qorraxdu ka dhicin in ka badan 70 maalmood

Recommended Posts

Deeq A.   

Lixda meelood ee aan qorraxdu ka dhicin in ka badan 70 maalmood

.

Nolasheennu waxay ku wareegtaa saacadaha kooban ee maalintii iyo habeenkii oo badanaa ah 24 saacadood.

Hasa-yeeshee ma ogtahay in dunida ay ka jiraan meelo aanay qorraxdu ka dhicin in ka badan 70 maalmood?

Bal qiyaas sida sheekadaan ay xiiso ugu leedahay dalxiisayaasha iyadoo xitaa dadka deegaannadaas ay ku jaha wareeraan qoroxda oo aan dhacaynin 70 maalmood oo xiriir ah.

Haddaba Lixda meelood ee aaney qorraxdu ka dhicin wax badan ka ogow.

Dallka Norway

Dalka Norway, waxaa loogu yeeraa ‘Dhulka Qorraxdu ay soo jeedo saqdadhexe halkaasoo laga bilaabo bisha May ilaa dhammaadka bisha Luulyo, aaney qorraxdu dhicin.

Arrintaan ayaa ka dhigan in qiyaastii 76 maalmood, qorraxdu aaney ka dhicin dalka Norway.

Magaalada Svalbard, ee dalka Norway, qorraxdu waxay si joogto ah u soo baxdaa laga bilaabo bisha Abriil 10-keeda ilaa bisha Ogoosto 23-keeda

Waxaad booqan kartaa gobalkaas waxaadna halkaas joogi kartaa maalmo kala duwan oo aan habeen jirin.

Dhulka Nunavut, ee dalka Canada

.

Nunavut waa dhul ku yaalla Waqooyi galbeed dalka Kanada.Halkaan waxaa ka jira qiyaastii laba bilood oo cadceed ah 24-ka saacadoodba, halka xilliga jiilaalka, qiyaastii 30 maalmood oo isku xiga uu mugdi ka jiro.

Jasiiradda Iceland

Iceland waa jasiiradda ugu weyn Yurub marka laga soo tago dalka Ingiriiska, sidoo kalana waxaa lagu yaqaanaa inay tahay waddan aan kaneeco lahayn.

Xilliga xagaaga, habeenadu waa caddaan Iceland ma jiro mugdi, bisha Juunna, qorraxdu ma dhacdo.

Si aad u aragto qorraxda saqda dhexe xaaladdeeda dabiiciga ah, waxaad booqan kartaa magaalada Akureyri iyo Jasiiradda Grimsey ee halkaa ku yaalla.

.

Barrow, Alaska

Ilaa bilowga bisha May iyo dabayaaqada bisha Luulyo, qorraxdu halkaasi kama dhacdo. Tani waxay sidoo kale ka dhigan tahay in waddanku uu mugdi ku jiro xilliga jiilaalka ah.

Aaggan ayaa sidoo kale caan ku ah buuraha barafku ka buuxo. Waxaana la sheegaa in inta badan dalxiisayaashay booqan karaan xagaaga ama jiilaalka.

Dalka Finland

Waa dhul leh kumanaan harooyin iyo jasiirado ah, qaybo badan oo Finland ka mid ah waxay helaan qorraxda tooska ah 73 maalmood oo kaliya inta lagu gudo jiro xagaaga.

Dhanka kale, qorraxda iftiinkeeda ayaa sii jira ilaa 73 maalmood, halka xilliga jiilaalka, aaggu uusan arag iftiinka qorraxda.

Sidoo kale waa mid ka mid ah sababaha ay dadka halkaan u seexdaan wax yar inta lagu jiro xilliga xagaaga, iyo xilliga jiilaalka.

Intaad halkaa joogtid, waxaad ku raaxeysaneysaa Nalalka sidoo kale waxaad fursad u helaysaa inaad ka qeybgasho ciyaarta barafka lagu ciyaaro.

Dalka Sweden

Bilowga bisha May ilaa dhammaadkii bisha Ogoosto, Sweden waxaa ka jira qorrax dhac saqda dhexe ah waxayna soo baxdaa abbaare 10-ka subaxnimo.

Halkaas, qorrax madoobaadka joogtada ah wuxuu socdaa sida la sheegao ilaa lix bilood oo sanadka ah.

Marka intaad halkaan joogto, qofku wuxuu waqti badan ku qaadan karaa ciyaarta golf, kalluumeysiga, safarka, iyo waxyaabo kaloo badan.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this