Sign in to follow this  
Deeq A.

Shirweyne ku saabsan Amniga oo maanta ka furmaya Laascaanood

Recommended Posts

Deeq A.   

Magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool, waxa maanta ka furmaya shirweyne ku saabsan Amniga magaalada.

Shirkan waxa ku baaqay Odayaasha dhaqanka iyo Isimada Gobolka Sool, waxaana ka qayb-galay qaybaha kala duwan ee Bulshada magaalada Laascaanood.

Odayaasha dhaqanka qaarkood, ayaa sheegay in shirkan aysan ka qayb-geli doonin cid ka socota mas’uuliyiinta Somaliland.

Shirkan ayaa looga tashanayaa Amni-darrada ka taagan degmada Laascaanood iyo dilalka qorshaysan ee ka socda halkaas.

PUNTLAND POST

The post Shirweyne ku saabsan Amniga oo maanta ka furmaya Laascaanood appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this