Deeq A. Posted September 13, 2021 Sheekh Cabdinaasir Xaaji Axmed, oo kamid ah culimaa’udiinka degmada Laascaanood, ayaa maanta sheegay in Somaliland mas’uul ka tahay dilalka qorshaysan ee ka dhaca gudaha degmadaas. Waxa xusid mudan in dhammaan dilalkii ka dhacay Laascaanood mudadii Somaliland joogtay aysan jirin cid loo qabtay, waxaana u dambeeyay marxuum Cabdirisaaq Axmed Cilmi (Cardoofe) oo habeen ka hor lagu dilay Laascaanood. Haddaba, aan wax yar dib u milicsanno dilalkii qorshaysnaa ee ka dhacay degmada Laascaanood mudadii Somaliland joogtay, kuwaas oo lagu laayay hal-door ay ku jiraan wadaado, cuqaal, ganacsato iyo siyaasiyiin. 15 October 2007-dii, ayay Somaliland la wareegtay magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool, kadib markii ay dagaal kaga qabsatay Puntland oo degmadaas gacanta ku haysay mudda sagaal sano ah. Inkastoo aanan halkan kaga hadlayn taariikhda ku saabsan dagaalkii labada dhinac ee Puntland iyo Somaliland, haddana waxaan xusayaa in mudda saddex sano ah ay Somaliland ku qaadatay in ay si buuxda u caga-dhigato Laascaanood. Mudadii u dhexaysay 2007-2010, waxa socday dhaqdhaqaaq ku jihaysan in Somaliland laga xoreeyo Gobolka Sool, kaasoo bilowgii Puntland qayb ka ahayd, balse isaga hartay sannadkii 2008-dii, kadib markii ay wajahday sicir-barar iyo dhaqaala-xumo baahsan. January 2010, halkaan ayuu ka bilaaban musal-salka dilalka qorshaysan ee Laascaanood ka socda mudada 11 sano ah, islamarkaana aysan jirin cid loo qabto, lana aqoon cid ka dambaysa. 16 January 2010, waxa xilli fiid ah gudaha Laascaanood lagu dilay Cismaan Cabdi Faarax oo kamid aha hal-doorka Gobolka Sool. Dilkiisa cidna looma qaban welina lama yaqaan cid dishay. 26 June 2010, Caaqil Xuseen Dalqaf Garcase ayaa lagu dilay Laascaanood. Ma jirto cid loo qabtay dilkiisa, welina lama yaqaan wax dilay. 18 July 2010, waxa Laascaanood lagu dilay aqoonyahan Saleebaan Dheere oo kamid ahaa bahda Waxbarashada Gobolka Sool. Ma jirto cid loo qabtay dilkiisa, welina lama yaqaan wax dilay. 7 March 2011, Marxuum Maxamed Axmed Xirsi oo kamid ahaa hal-doorka Gobolka Sool ayaa lagu dilay Laascaanood. Ma jirto cid loo qabtay dilkiisa, welina lama yaqaan wax dilay. 17 May 2011, waxa Laascaanood lagu dilay Shiekh Maxamed Ibraahim Samatar oo ka tirsanaa culimaa’duunka magaalada. Ma jirto cid loo qabtay dilkiisa, welina lama yaqaan wax dilay. 18 July 2011, Marxuumad maamo Cibaado Cilmi ayaa lagu dilay Laascaanood, Cidna looma qaban dilkeeda, welina lama yaqaan wax dilay. 6 October 2011, waxaa Laascaanood lagu dilay Ibraahim Axmed Shire oo kamid ahaa cuqaasha magaalada Laascaanood. Ma jirto cid loo qabtay dilkiisa, welina lama yaqaan wax dilay. 24 June 2012, Laascaanood waxaa lagu dilay Axmed Aw Maxamuud Xaaji Cali (Dhuunkalax) cidna looma qaban dilkiisa lamana yaqaan wax dilay. 3 August 2012, Marxuum Cabdi Cawil Xasan (Jufe) ayaa lagu dilay Laascaanood cidna looma qaban dilkiis lamana oga wax dilay ilaa iyo hadda. 23 October 2012, weriye Axmed Saakin Faarax ayaa xilli fiidnimo ah lagu dilay gudaha Laascaanood, weli lama yaqaan cid dishay, mana jirto cid loo qabtay dilkiisa. 8 December 2012, marxuum Cabdiraxmaan Ismaaciil Saleebaan ayaa lagu dilay Laascaanood ma jirto cid loo qabtay dilkaas wax dilayna lama yaqaan. Sannadihii 2013 ilaa 2015, waxaa dib u xoogaystay jabhado hubaysan oo ka jiray Gobolka Sool, kuwaas oo weeraro kala duwan la beegsaday ciidamada Somaliland, waxaana istaagay dilalka madax-jebiska ah ee ka dhaca gudaha Laascaanood, marka laga reebo ganacsade lagu magacaabi jiray Xasan Cabsiye oo Laascaanood lagu dilay 7 December 2015. 13 April 2016, marxuum Cabdullaahi Axmed Maxamed (Carrabey) ayaa lagu dilay Laascaanood cidna looma qaban dilkiisa lamana yaqaan wax dilay ilaa iyo hadda. 3 September 2016, waxaa Laascaanood lagu dilay ganacsade Maxamed Xirsi oo kamid ahaa madaxda shirkadda Dahabshiil, cidna looma qaban dilkiisa lamana yaqaan cid dishay. Bilowgii sannadkii 2017, waxaa dib u xoogaystay jabhaddii SSC ee Gobolka Sool, taas oo weeraro ka dhan ah Somaliland ka fulisay degmada Laascaanood ee Gobolka Sool, waxaana istaagay dilalkii qorshaysnaa. 8 January 2018, Somaliland ayaa qabsatay degaanka Tukaraq ee Gobolka Sool, waxaana tallaabadaas ka dhashay dagaallo dhexmaray Puntland iyo Somaliland oo muddo sannad ah socday, iyadoo Laascaanood uu ka dhacay kacdoon dadweyne iyo muddaharaadyo rabshado watay. 2019, waxaa mar kale xoogaystay weeraro ay Jabhadda SSC ee Col. Faysal Falaalug ka waday Gobolka Sool, gaar ahaanna Laascaanod iyo Tukaraq, kuwaas oo ay ku beegsatay Ciidamada Somaliland, lamana soo werin wax dilal qorshaysan ah. 2 March 2020, waxaa Laascaanood lagu dilay marxuum lagu magacaabi jiray Xasan Maxamuud, iyadoo aysan jirin cid loo qabtay dilkiisa, lana aqoon wax dilay. 15 March 2020, waxa Laascaanood lagu dilay Taliyihii Sirdoonka Somaliland oo ka soo jeeda Gobolka Sool, waxaana la sheegay in khilaaf kala dhexeeyay mas’uuliyiinta ka sarraysay. Dilkiisa cidna looma qaban. 31 July 2021, dabley hubaysan ayaa xilli fiidnimo ah Laascaanood ku dilay marxuum Cabdullaahi Maxamed Shire (Laba-go’le) oo ka tirsanaa guddiga doorashooyinka Somaliland ma jirto cid loo qabtay dilkiisa. 11 September 2021, marxuum Cabdirisaaq Axmed Cilmi (Cardoofe) oo ka tirsanaa xisbiga mucaaradka Somaliland ee waddani ayaa lagu dilay Laascaanood, ma jirto cid loo qabtay dilkiisa ilaa iyo haddana lama oga cid dishay. FG: waxa macquul ah in ay jiraan dilal qorshaysan oo aanan xasuusnayn kana dhacay Laascaanood mudadaas 11-ka sano ah. W.Q: Cabdiraxmaan Ciise The post Laascaanood: Somaliland iyo dilalka qorshaysan appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites