Sign in to follow this  
Deeq A.

Xiisad ka aloosan degmada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool

Recommended Posts

Deeq A.   

Xiisad ayaa saaka ka aloosan magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool, halkaas oo xalay lagu dilay xildhibaan ka tirsan golaha degaanka degmadaas.

Dabley hubaysan ayaa xalay gurigiisa Laascaanood ku hor-dilay xildhibaan, Cabdirisaaq Axmed Cilmi (Cardoofe), sida laga soo xigtay xubno ka tirsan qoyskiisa.

Dilka marxuumka ayaan cidna loo qaban, islamarkaana aysan weli ka hadlin mas’uuliyiinta Somaliland u qaabilsan gobolka Sool.

Dadweynaha magaalada ayaa xalay sameeyay bannaan-bax looga horjeedo maamulka Somaliland oo dadka qaarkood ku eedaynayan dilalka qorshaysan ee ka dhaca degmada Laascaanood.

Wararku waxay sheegayaan, in saaka gudaha Laascaanood lagu arkay dhalinyaro hubaysan oo ku hanjabaya in ay dagaal la geli doonaan ciidamada Somaliland.

Sidoo kale, waxa laga cabsi qabaa in magaalada uu ka dhaco kacdoon dadweyn oo ka dhan ah joogitaanka Somaliland.

PUNTLAND POST

The post Xiisad ka aloosan degmada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this