Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Deni oo Galabta xariga ka jaray Garoonka Ciyaaraha Gaalkacyo ee Cawaale Stadium

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaaa Galabta si rasmiya xariga uga jaray garoonka Ciyaaraha Gaalkacyo ee Cawaale Stadium, oo hab isku-tashi ah lagu dhisay.

Madaxweyne Deni oo ka soo laabtay safar uu muddooyinkii u dambeeyay ku joogay magaalada Nairobi ayaa saaka gaaray magaalada Gaalkacyo.

Madaxweynaha ayaa sida lagu wado Gaalkacyo ka bilaabi doona kulamo kala duwan oo uu la qadanayo Odayaasha dhaqanka iyo Bulshada magaaladaas.

Sidoo kale, waxa la filayaa in kormeer ku tegi doono dekedda magaalada Garacad oo dhismaheedu meel wanaagsan marayo.

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Deni oo Galabta xariga ka jaray Garoonka Ciyaaraha Gaalkacyo ee Cawaale Stadium appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this