Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-shabaab oo weerartay Saldhiga Ciidamada Puntland ee Af-urur

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka ka imaanaya tuulada Af-urur ee Gobolka Bari, ayaa sheegaya in xalay hoobiyaal lagu weeraray saldhiga ciidamada difaaca Puntland ee degaankaas.

Dabley hubaysan oo ka tirsan Al-shabaab, ayaa sida la xaqiijiyay hoobiyaal ku tuuray saldhiga, halka ciidanka dowladdu kaga jawaabay hubka culus.

Saraakiil kala duwan oo ka tirsan ciidanka ayaa sheegay in aysan jirin wax khasaare ah oo ka dhashay weerarkaas.

Sidoo kale, goob-joogayaal ku sugan Af-urur ayaa Puntland Post u sheegay in aysan arkin wax khasaare ah oo dhanka ciidanka gaaray.

PUNTLAND POST

The post Al-shabaab oo weerartay Saldhiga Ciidamada Puntland ee Af-urur appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this