Deeq A. Posted September 7, 2021 Agaasimihii shaqa-joojinta lagu sameeyay ee hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka dowladda Federaalka Soomaaliya, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa saaka dib ugu laabtay magaalada Muqdisho. Dad lagu kalsoonyahay ayaa Puntland Post u xaqiijiyay in Agaasime Fahad Yaasiin saaka dib ugu laabtay Muqdisho, kadib safar kooban oo uu maalmo ugu maqnaa dalka dibaddiisa. Fahad Yaasiin ayaa ku eedaysan kiiska Ikraan Tahliil Faarax oo ka tirsanayd hay’adda Sirdoonka ee NISA, islamarkaana raq iyo ruuxba la waayay, inkastoo hay’addaas sheegtay in Al-shabaab dileen. Xiisadda ka dhalatay kiiska Ikraan Tahliil ayaa keentay in habeen ka hor Ra’iisul wasaare Rooble shaqa-joojin ku sameeyo Fahad Yaasiin, balse madaxweyne Farmaajo ayaa ka horyimid tallaabadaas. PUNTLAND POST The post Fahad Yaasiin oo dib ugu laabtay Muqdisho appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites