Sign in to follow this  
Deeq A.

Fahad Yaasiin oo shaqo joojin lagu sameeyay iyo Bishiir Goobe oo KMG loogu magacaay NISA

Recommended Posts

Deeq A.   
PhotoCollage_20210906_043426215.jpg?resi

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka SoomaaliyaMaxamed Xuseen Rooble ayaa shaqada ka joojiyay Agaasimihii Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa si ku meel gaar ah Agaasimaha Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka ugu magacaabay Taliyihii hore ee Ciidanka Asluubta Sarreeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe) oo hadda ahaa Maareeyaha Guud ee Wakaaladda Horumarinta Dhismaha Soomaaliyeed.

  • download-1.jpg?resize=224%2C225&ssl=1Gen. Bashiir Goobe

Rooble ayaa faray Fahad Yaasiin in uu muddo saddex berri ah xilka ku wareejiyo Agaasimaha ku meel gaarka ah ee la magacaabay.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa faray xeer ilaaliyaha guud ee maxkamadda ciidamada qalabka sida in baaris rasmi ah oo dhameystiran ku sameeyo kiiska Ikraan Tahliil, kadibna u gudbiyo maxkamad sharci ah oo awood u leh.

Shaqo joojinta Fahad Yaasiin ayaa timid kadib markii uu codsaday in uu warbixinta kiiska Ikraan ee Ra’iisul Wasaare Rooble faray uu ka hor akhriyo Golaha Amniga Qaranka.

FB_IMG_1630888883229.jpg?resize=654%2C96 FB_IMG_1630888885912.jpg?resize=648%2C96

PUNTLAND POST

The post Fahad Yaasiin oo shaqo joojin lagu sameeyay iyo Bishiir Goobe oo KMG loogu magacaay NISA appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this