Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxaa ku qornaa warqaddii uu Fahad u diray Farmaajo? – Aqriso

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Caasimada Online ayaa heshay warqad uu Agaasimaha NISA Fahad Yaasiin uu u diray Madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo, taas oo uu uga dalbanayo in kulan uu shir guddoominayo uu ku soo bandhigo warbixin la xariirta kiiska Ikraan Tahliil, taas oo laga sugayo saacado kooban gudahood.

Sidoo kale warqadaan waxaa ogeysiis laga siiyey guddoomiyihii golaha shacabka ee waqtigu ka dhamaaday Maxamed Mursal, kaas oo aan ku jirin golaha amniga Qaranka oo Fahad uu dalbanayo in loo balamiyo si warbixintaas uu uga hor jeediyo.

Golaha Amniga Qaranka oo aan hadda jirin ayaa ka koobnaa Madaxweynaha, Ra’iisul wasaaraha, Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Taliyeyaasha Ciidamada Qaranka, waxaana mar uu shiro u dambeysay sanadkii 2018-kii, xilligaas oo xubnihii golahaas ay shirkoodii ugu dambeeyey ku yeesheen magaalada Baydhaba.

Qoraalka Fahad ayaa u muuqda in awoodda dalka dib loogu celinayo Farmaajo, oo uu muddo xileedkiisii sharciga ahaa dhamaaday, mas’uuliyadda amniga dalkana meel fagaare ah ugu wareejiyey Rooble.

Hoos ka aqriso warqadda uu Fahad u diray Farmaajo

Hay adda Sirdoonka & Nabadsugidda Qaranka
XTC/HSNQLD/013/21 September 05, 2021
KU: – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Md. Maxamed Cabddulaahi Farmaajo
OG:- Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya.
Md. Maxamed Mursal Sh. Cabdiraxmaan.
OG:- Raysalwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.
Md. Maxamed Xuseen Rooble
OG:- Wasiirka Amniga Gudaha.
Md. Xasan Xundubeey Jimcaale
Ujeedo: – Codsi Soo Jeedin Warbixin Amni.

Mudane Madaxweyne, naga guddoon salaam qadarin ku dheehantahay. Anagoo garawsan marxaladda muhiimka ah ee uu wadanku marayo, hadana fulinayna amarka Raysul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaailya, xeerinayna xaq u lahaanshaha Hay’adaha kala duwan ee ka midka ah Golaha Amniga Qaranka, kiisaska iyo warbixinada xasaasiga ah ee taabanaya amniga qaranka, tixgelinayna xasaasiyadda kiiska sarkaalad Ikraan Tahlil iyo Jihooyinka kala duwan ee ay taabanayso, waxaan si xushmad iyo sharafi ku dheehan tahay kaaga codsanaynaa inaad naga ogalaato inaan warbixinta kiiska Sarkaaladaas, ku soo bandhigno shirka Golaha Amniga Qaranka oo wada dhan.

Waxaana diyaar u nahay jeedinta warbixintan taariikhda loo xadido inuu dhaco kulankaas. Waxaan rajaynayaa inaad naga aqbasho codsigeena.

Mahadsanid
FAHAD YAASIIN
AGAASIMAHA GUUD EE NISA
WhatsApp-Image-2021-09-05-at-2.19.58-PM.

 

The post Maxaa ku qornaa warqaddii uu Fahad u diray Farmaajo? – Aqriso appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this