Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare  Oo Dhaariyay  Xildhibaan Ka Tirsan Golaha Wakiillada Somaliland.

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha Maxkamadda Sare  ee JSL ayaa dhaariyay, xubintii ay dhaartu u hadhsanayd ee golaha Wakiillada cusub ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland, Aadam Xaaji Cali Axmed, ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 04/09/2021-ka, dhaariyay Cabdikariim Aadan Cali Dubad, oo laga bilaabo maanta ka mid noqonaya mudanayaasha golaha Wakiillada JSL.

Xubinta la dhaariyay ayaa dalka ka maqnaa 03/08/2021 oo la dhaariyay 81-ka xildhibaan ee kale ee golaha Wakiillada, 02/09/2021 ayuu guddoomiyaha golaha Wakiilladu, Maxkamadda Sare u soo diray codsi uu ku dalbanayo in la dhaariyo Cabdikariim Aadan Cali Dubad.

Dhaarinta ka dib guddoomiyaha Maxkamadda Sare Aadam Xaaji Cali, waxa uu kula dardaarmay mudanaha in uu qaranka ugu adeego si daacad ah oo hufan, waxaanu ALLE uga baryay in uu u fududeeyo masuuliyada culus ee loo dhaariyay.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this