Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Federaalka Soomaaliya Oo dalab hordhigtay dowladda Qatar

Recommended Posts

Deeq A.   
4.jpg?resize=750%2C430&ssl=1

Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud, ayaa khadka teleefoonka kula hadlay Ra’iisul wasaare ku-xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda Dowladda Qatar, Sheikh Mohammad bin Abdulrahman Al-Thani.

Labada Mas’uul ayaa waxaa ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka laba geesoodka iyo iskaashiga labada dal ee walaalaha ah u dhexeeya , si la mid ah waxa ay fallanqeeyeen xaaladihii ugu dambeeyay arrimaha gobolka iyo kuwa caalamiga ah.

Wasiir Maxamed Cabdirisaaq ayaa u soo jeediyay hindiso Dowladda Qatar oo xilligan shir-guddoon ka ah kaltanka caadiga ah ee 155aad ee Golaha Jaamacadda Carabta heer wasiir in ay soo hordhigto feylka Soomaaliya shirka soo aaddan ee wasiirrada si looga hadlo horumarka siyaasadeed iyo amni.

PUNTLAND POST

The post Dowladda Federaalka Soomaaliya Oo dalab hordhigtay dowladda Qatar appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this