Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynuhu Waxuu Ku Tawaawacay Inuu Khalad Sameeyey Oo Uu Il-duufay, Laakiin Uu Iminka Diyaar U Yahay Inuu Xafadaas Beriga Burco Uu Ku Wareejinayo Xisbigii KULMIYE, Iyaguna Ay Codkooda Mar Labaad Ugu Deeqaan

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweyne Muusow annaguna fartayadii eednay, adiguna afkaagii eeday ee calool adayg yeelo inaadeer.


Waxay ila xog ogaal ahi innoo soo tebiyeen inuu Madaxweyne Muuse uu odayaashii xaafada, gaar ahaan kuwii Saaxil kasoo jeedey uu la kulmay todobaadkii inna soo dhaafay, dhowr habeen shirkaas kadibna, waxuu la kulmay odayaasha xaafada loogu yeedho bariga Burco. Madaxweynuhu waxuu ku tawaawacay inuu khalad sameeyey oo uu il-duufay, laakiin uu iminka diyaar u yahay inuu xafadaas beriga Burco uu ku wareejinayo xisbigii Kulmiye, iyaguna ay codkooda mar labaad ugu deeqaan. Allah inaadeerkay xariifsanaa, waxaan madaxweynaha kula talin lahaa ama xasuusin lahaa in laga soo gudbey waqtigii lagu shaqaysan jirey reer hebel baa Somaliya iyo Muqdisho innagu wada ama calankii buluuga ahaa baa Boorame iyo Laascaanood lala soo baxay ee aynu iska gaashaan buureysano (Jeegaan) cadowyadaas, sidoo kale mujaahidiin baanu nahay oo dalka hogaamintiisa annagoo keliya baa xaq u leh (Mujaahid Cabdiraxmaan Aw Cali miyaan lagu duudsiyin oo kulmiye loogaga caydhin waa Daahir Rayaale inaadeerkii) ummada reer Somaliland way ka ilbaxday, sababtoo ah waxuu Ilaahay u kala danbeysiiyey labo mujaahid oo xukuumadahoodii la sixi kari waayey. Waxa soo if baxay oo la arkay dad soo xoogsi tegey, oo nidaam dawladnimo oo hufan aad uga fog, oo siyaasadana ka yaqaana uun sida dadka qabiil qabiil iyo Jees jees loogu kala qaybiyo, isla markaana xukuumadnimo iyo dawladnimoba la kufaa dhacaya.

Xaqiiqdu waxay tahay, inta ay ardaydii macalinkii Afweyne xukuumadiisa ka soo aflaxdey ay hogaanka dalka hayaan, Jamhuuriyadaas barakaysan ee Somaliland waxay la mid noqotay sheekadii ay dacawadu tidhi, “wallee reer aan ogahay mana guuro mana nagaado”. Hadaba Madaxweyne Muusow, naftu markay kalxanyaha soo gaadho ee ay sii baxayso, tawbadaba lagama aqbalo, ee Madaxweyne kala quusanee aynu kala qoomamo la’aano. Abwaankii weynaa, Filoosoofarkii, Mujaahidkii, Janaraalkii Faarax Nuur Wacays waxuu yidhi: Qosol been ah, fool wada qayaxan, qiil aan garanaayo, Booraan afkii laga qafilay, qabarna hooseeyo, Qunsur oodan shabag laysu qubay, qoolad iyo xeelad, Qullaab iyo kullaab iyo laacib, laysu qarinaayo, Qiyaamada kobtaa daahira, aan qun uga soo jeedo, Doqon baa halkii lagu qatali, qoorta soo dhigane, Maanaa mindiyo lay qarshaa laygu qali doona. Rahimulaah.

W/Q Cali Kubad

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this