Sign in to follow this  
Deeq A.

Hawlgalka UNSOM oo wakhtiga loo kordhiyay

Recommended Posts

Deeq A.   

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo kulan yeeshay ayaa waxaa ay u codeeyeen Muddo-kordhin loo sameeyey Hawlgalka Qaramada Midoobay ee Taageeradda Somalia (The UN Assistance Mission in Somalia (UNSOM).

15-ka Xubnood ee Golahaasi ayaa waxay isku raaceen in Hawlgalka UNSOMmuddo 9 bilood loogu kordhiyo xilli hawleedkooda oo ku ekaan lahaa maanta oo ay Taariikhdu tahay 31-ka August ee sanadkan 2021-ka.

Qaraarka Golaha Ammaanka ee QM ee ay u codeeyeen oo Tirsigiisu yahay 2592 waxaa xilli hawleedka cusub ee UNSOM ku ekaan doonaa bisha May 31-da ee sanadka soo socda ee 2022-ka.

Dhinaca kale, Qaraarka ayaa waxaa lagu xusay inuu Hawlgalka UNSOM sii wado xiriirinta dadaalada QM iyo inay Iskaashi Buuxda la yeeshaan Dowladda Federalka iyo Dowlad-gobaleedyada xubnaha ka ah iyo dhamaystirka Heshiiskii laga gaaray Nidaamka Doorashada ee Somalia.

PUNTLAND POST

The post Hawlgalka UNSOM oo wakhtiga loo kordhiyay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this