Sign in to follow this  
Deeq A.

Rooble oo joojiyay dhul uu bixiyay Wasiir Dubbe

Recommended Posts

Deeq A.   
  • FB_IMG_16303426107319211.jpg?resize=719%Tiyaatarka Qaranka



Ra’iisul Wasaaraha Dowadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa joojiyey dib u hawl-gelinta maqaaxida Tiyaatarka Qaranka oo wasiirka warfaafinta u ogolaaday shirkad gaar loo leeyahay.

Rooble ayaa amarkan soo saaray markii maanta abwaanada iyo fannaantiinta Soomaaliyeed oo ay ka mid yihiin Hobolada Waaberi ay cabasho ka keeneen wareejinta dhulka bannaan ee Tiyaatarka Qaranka.

“Aniga oo fulinaya amarka Raisal Wasaaraha JFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble waxa aan joojiyey dib u hawl-gelinta maqaaxida Tiyaatarka illaa amar dambe kaddib markii laga keenay cabasho ku aaddan dib u furisteeda” ayuu wasiir Dubbe ku yiri qoraal uu goordhaweyd soo saaray.

Wasiirka warfaafinta Cismaan Abokor Dubbe ayaa bishii lixaad ee sanadkan warqad uu soo saaray ugu ogolaaday shirkadda Xaawo Taako in ay makhaayad iyo jardiino lagu nasto ka hirgaliso dhulka dambe ee Tiyaatarka.

FB_IMG_16303401844936194.jpg?resize=720%

PUNTLAND POST

The post Rooble oo joojiyay dhul uu bixiyay Wasiir Dubbe appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this