Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Deni oo kulan gaar ah la yeeshay wefdi ka socda hay’adda UNHCR

Recommended Posts

Deeq A.   
2-24.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1

Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wakiilka cusub ee hay’adda UNHCR u soo magacowday Soomaaliya.

Wakiilka hay’adda Qaxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobay ee UNHCR Magatte Guisse iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa kulan gaar ah la yeeshay madaxweyne Deni.

War ka soo baxay madaxtooyada Puntland, ayaa lagu sheegay in kulanka labada dhinac uu ahaa isbarasho iyo is xogwarwysi.

Madaxtooaydu waxay sidoo kale sheegtay in kulanka looga hadlay xaaladda Qaxootiga ku nool Puntland, dadka dalka gudihiisa ku barakacay iyo horumarinta Mashaariicda UNHCR ka wado Puntland.

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Deni oo kulan gaar ah la yeeshay wefdi ka socda hay’adda UNHCR appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this