Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne ku-xigeenkii Afghanistan oo farriin soo direy Kaabul

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweyne ku-xigeenkii Afghanistan oo farriin soo direy Kaabul

amrulaah.jpg
Amrullah Saleh

Madaxweyne kuxigenkii Afghanistan, Amrullah Saleh, oo u ahaa kuxigeen Madaxweynihii baxsadey ee Ashraf Ghani, ayaa sheegay inuu isagayahay madaxweynaha kumeel gaarka ee dalkani.

Saleh, ayaa farriin cod ah, oo uu soo duubay waxaa baahisay BBC-da

Wuxuu xaqiijiyey inuu isagu jooggo Afghanistan, isagoo intaa ku darey in aanu dagaalku dhammaan.

Si lama filaan ah ayey Taliban ula wareegeen caasimadda Afghanistan ee Kabul. Dalalka caalamka ayaa walaac waxa ay ururkani ka damacsan yihiin dalkani.

Afhayeenka Taliban, kaasoo qabanayey shirkiisii jaraa’id ee uggu horeysay, ayaa sheegay in dhammaan jihooyinka xuduudaha ay iyagu gacanta ku hayaan.

Soo shaac bixista Madaxweyne kuxigeenkii hore farriintiisa, ayaan la ogeyn waxa aykaga jawaabi doonaan ururka Taliban.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this