Sign in to follow this  
Deeq A.

Sacuudiga oo maal-geshi ka raba Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Sacuudiga ayaa doonaysa in ay Maalgelin ku samayso qeybaha kala duwan ee dhaqaalaha Somalia.

Wargeyska AAWSAT ee Sacuudiga laga leeyahay, balse ka soo baxa magaalladda London ayaa qoray Xogta ku aadan Qorshaha dowladda Sacuudiga ku doonayso inay maalgelin ku bixiso Mashruuca Kalluumeysiga Somalia.

Wargeyska waxa uu qoray in Saraakiil ka socotay Hay’adda Guud ee Sacuudiga ugu qaabilsan Ganacsiga Dibedda ee GAFT iyo dhigooda Somalia ay Kulan Khaas ah ku yeesheen Caasimadda dalka Cumaan ee Masqat.

Muddadii uu socday Kulankaasi waxay Ergada Sacuudiga sheegeen inay Somalia ka jirto Fursado badan oo maalgashi, gaar ahaan Mashruuca Kalluumeysiga.

PUNTLAND POST

The post Sacuudiga oo maal-geshi ka raba Soomaaliya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this